R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Go’aan Taariikhi ah Ku Tilmaamay Go’aankii Deyn Cafinta  Naadiga Paris

Date:

R/Wasaaraha Jamh. Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay Deeq bixiyeyaasha Naadiga Paris dalka uga cafiyeen $1.4 Bilyan oo kamid ahayd deyntii lagu lahaa dalkdeenna.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo todobaadkii la soo dhaafay hay’adaha dhaqaalaha  caalamiga ah (IFI’s) ay dalka ka cafiyeen $830m, taasoo isugeynta lacagta Soomaaliya  laga cafiyay illaa iyo hadda ka dhigeysa 2.25b. Deynta horay loogu lahaa Soomaaliya waxay ahayd $5.2 Bilyan.

Sidoo kale deeq bixiyayaasha aan xubnaha ka ahayn Naadiga ku bahoobay Paris ayaa iyana ballanqaaday in ay Soomaaliya ka cafin doonaan daytna ay Soomaaliya ku leeyihiin 67%  kamid ah, taasoo kor u qaadi doonta daynta laga cafiyay dalkeenna. Waxaa kale oo ay deeq bixiyayaashu ballan qaadeen in ay daymaha oo dhan ama intooda badan ay ka cafin doonaan Soomaaliya marka ay Soomaaliya kasoo baxdo shuruudaha u harsan.

R/Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay sida ay dalalka u garab istaageen dadaallada ay dowladda Soomaaliya dib ugu habaynaysay nidaamkeeda maaliyadda iyo sida ay uga qeyb qaateen xaqiijinta rajada shacabka Soomaaliyeed.

“Waa tallaabo taariikhi ah oo ka turjumeysa soo nooleynta Qaranimadeena, isla markaana ah guul usoo hoyatay qof walba oo Soomaali ah. Waa dadaal miro dhalay oo u baahan in la joogteeyo”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaalka ay hay’adaha dowladda Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed ku bixiyeen ka mira dhalinta arrintan oo ahayd halbeeggii ugu  weynaa ee ay Soomaaliya ku guuleysato 30 kii sano ee la soo dhaafay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...