Madaxweyne Farmaajo Oo Baroor-diiq Qaran Ku Dhawaaqay Oo Lagu Maamuusayo R/Wasaare Nuur Cadde

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid -Alle ha u naxariistee- Raiisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka weyn ee uu ka soo qaatay -Alle ha u naxariistee marxuumku- dib u soo kabashada dalka, isaga oo wakhti adag u istaagay in uu ka shaqeeyo dowladnimada iyo samata bixinta dalkeenna.

“Innaga oo garoowsan dadaalka uu marxuumku ku bixiyey dalkiisa iyo dadkiisa, waxaan ku dhawaaqayaa Baroor-diiq Qaran oo saddex maalmood ah, iyadoo hoos loo dhigayo muddadaas calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aynu u siinno Raiisul Wasaare Nuur Cadde –Alle ha u naxariistee- Maamuuska Qaran ee uu naga mudan yahay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuumka oo ahaa halyeey Qaran oo taariikhda ku galay tanaasul iyo nabadeyn, Alle u weydiiyey in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdows, eheladiisa iyo saaxiibadiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Innaa Lillaahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...