Bandow Xilliga Habeenkii Ah Oo Garowe Caawa Ka Dhaqangalay

Date:

Magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa ka dhaqan galaya wixi ka dambeeya 6:00 maqribnimo bandow oo lagu soo rogay Guud ahaan deegannada Puntland, kaasi oo looga gol leeyahay yaraynta dhaq dhaqaaqa iyo isu socodka bulshada qaybaheeda si looga hortago faafida cudurka Coronavirus oo dunida saamayn ballaaran ku haya .

Dhanka kale, Bandowgan ayaa qayb ka ah adkaynta Nabad galyada si aysan bulshada iyo madaxduba u dhibaatayn kooxaha Nabad diidka ahi kaddib qarax loo gaystay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Gobalka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax lala eegtay.

Gudaha Garoowe waxaa wareegayay saacadihii ugu danbeeyay gaadiid bulshada lagu ogaysiinayo in ay horay u xaroodaan inta uusan ku dhicin Bandowga Guud.

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waa caasimadda dowlad goboleedka Puntland, waxaana tani ay muujineysaa in uu dhaqan galay bandowga magaalada lagu soo rogay iyo deegaannada kale ee Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...