Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo tababar u soo xiray Arday Soomaaliyeed.

Date:

Tababrkan oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda Kampala, socdayna muddo hal maalin ah laguna  barayay qaabka, ayaa ka dhacay Jaamacadda Kampala.Munaasabadda Xiritanka tababarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda mudane Guulled Xuseen Maxamed, Masuulliyiinta Jaamacadda KU, Madaxda ururka ardayda Soomaaliyeed ee jamacadda, Aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Kampala ayaa ardayda Soomaaliyeed ku amaanay doorka fiican aay ku leeyahiin Jamaacadda, waxuuna ardayda tababarka loo soo xiray kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda.

Dhanka kale Xoghayaha Labaad ee Safaaradda Guuleed Xuseen Maxamed oo ka hadlay munaasabadda ayaa ardayda u sheegay tababarka aay ka faa’ideysteen inay Wallaalahood Soomaaliyeed ugu faa’ideyaan, si berri loo helo jiil war qora.

Gabagabadii Madaxa Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda KU Cali Wardheere ayaa sheegay ujeedada aay tababarkan u qabteen uu yahay guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jacamadaha Uganda inay bartan qaabka wax loo qoro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...