Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo tababar u soo xiray Arday Soomaaliyeed.

Date:

Tababrkan oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda Kampala, socdayna muddo hal maalin ah laguna  barayay qaabka, ayaa ka dhacay Jaamacadda Kampala.Munaasabadda Xiritanka tababarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda mudane Guulled Xuseen Maxamed, Masuulliyiinta Jaamacadda KU, Madaxda ururka ardayda Soomaaliyeed ee jamacadda, Aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Kampala ayaa ardayda Soomaaliyeed ku amaanay doorka fiican aay ku leeyahiin Jamaacadda, waxuuna ardayda tababarka loo soo xiray kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda.

Dhanka kale Xoghayaha Labaad ee Safaaradda Guuleed Xuseen Maxamed oo ka hadlay munaasabadda ayaa ardayda u sheegay tababarka aay ka faa’ideysteen inay Wallaalahood Soomaaliyeed ugu faa’ideyaan, si berri loo helo jiil war qora.

Gabagabadii Madaxa Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda KU Cali Wardheere ayaa sheegay ujeedada aay tababarkan u qabteen uu yahay guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jacamadaha Uganda inay bartan qaabka wax loo qoro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...