Nin u dhintay Buur u iska soo tuuray dalka Masar.

Date:

Wiilkan dhallinyarada ah oo kasoo jeeda dalka Masar ayaa wararku sheegayaan inuu si bareer ah isu dilay isagoo iska soo tuuray buur kamid ah buuraha taariikhiga ah ama ahraamta dalka Masar, taasoo dhererkeedu yahay 136 miter.

Wasaaradda dhaqanka dawladda Masar ayaa sheegtay in wiilku uu iska soo tuuray meel sare kadibna oo dhulka ku dhacay isagoo mayd ah maadaama ay buurtu aad u dheerayd isaguna uu ahaa wiil aad u da’yar.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay baaritaan xoogan ku wado waxyaalaha sababay inuu iska soo tuuro buurta dheer isla markaana ay soo bandhigi doonto xogta ku saabsan arrintaas.

Ciidamada nabadsugida ayaa sheegay inay ogaadeen in wiilka dhalinyarada ah uu buurta fuulay isagoo aan qaadan digniintii ay siiyeen ilaalada ahraamta masar isla markaana uu ka baxsaday ilaalada markii uu dusha sare tagayna oo si toos ah isu soo tuuray.

Laamaha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in baaritaano hor dhac ah oo la sameeyey ay sheegayaan in wiilka dhalinyarada ah uu maskax ahaan xanuusanaa isla markaana uu ahaa qof aan la ilaalin karin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...