Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Muuse Maxamed  Axmed

Date:

Muqdisho (SNTV)- Muuse Maxamed  Axmed ayaa loo heysta kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab iyo farsameynta agabka qarxa sida Bom F1.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October  ayaa ka qabtay eedeysane Muuse Maxamed  Axmed magaalada Marka bilowgii November 2019  isaga oo uga  soo safray Janaale, waxa uu watay xilligaas eedeysanaha la qabanayay Caagad lagu soo qariyay Bambo nuuca gacanta F1 oo lagu dhex qariyay raashin iyo nuuc dareeraha kamid ah oo dadka qaarkiis u yaqaanaan Subag.

Intaas kadib ayaa loo soo  wareejiyay  eedeysanaha magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada xoogga dalka ku wareejiyeen ciidamada Boliiska  gaar ahaan qeybta dambi  baarista Boliiska CID.

Baaritaan dheer kadib ayay  ku wareejiyeen  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Sida  dabayaaqadii  November sanadkii ina dhaafay, waxa ayna markale isku howleyn baarista kiiska eedda ka dhanka ah  Muuse Maxamed  Axmed.

15-kii February sanadkan ayuu codsaday xafiiska xeer ilaalinta mudeynta kiiska ka dhanka eedeysane Muuse Maxamed  Axmed  waxa ayna Maxkamadda  muddeysay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Muuse Maxamed  Axmed 24 February sanadkan.

Fursadda habraaca doodda waxaa bilow u ah xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, waxa ay Maxkamadda la hor yimaadeen agabkii lagu soo qabtay oo ka kooban labo BOM F1 iyo qiraalka eedeysnaha uu Maxkamadda ka hor sheegay, Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa u sheegay garsoorayaasha in eedeysanaha uu isticmaalay dhagar aan laga maleysan Karin isaga oo isku dhex milay raashin dareera ah iyo walxaha qarxa.

Abukaataha u doodayay eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto maadama uusan aqoon ulaheyn wax yaabaha lagu soo qabtay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan, waxa uu sheegay in qof kale uu usoo qariyay Muuse Maxamed Axmed.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed  Axmed  10-sano oo  xabsi ciidan ah  sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku qaadan karo rafcaan xukunka kadib muddo 30-cisha ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...