Qaramada midoobay oo walaac ka muujisay xaaladda qaxootiga ku xaniban xuduudka dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Date:

Bayaan kasoo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay xaaladda ka aloosan xuduudka Turkiga iyo Giriiga, iyadoo tusaale usoo qaadatay dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay goobaha ay dadka qaxootiga ah ay joogaan, waxayna ku tilmaamtay kuwo kasoo horjeeda xuquuqda aadanaha.

Hay’adda qaxootiga ee qaramada midoobay ee UNHCR  ayaa sidoo kale sheegtay inay ka walaacsan tahay waxyaaladiii u danbeeyey ee lagu sameeyey dadka qaxootiga ah ee  doonayay in ay u  gudbaan  dalalka Yurub.

Qaramada midoobay waxay ugu baaqday masuuliyiinta dawladda Giriiga inaysan isticmaalin rabshado xad dhaaf ah oo ka dhan ah muhaajiriinta, sidoo kale waxay ugu baaqday dadka  muhaajiriinta ah inay ixtiraamaan amniga xuduudaha u dhexeeya labada waddan .

Dhanka kale, af hayeenka sanduuqa qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF  Marixi Mercado ayaa waxay sharraxday in dadka tahriibayaasha ah ee ku sugan xadka Turkiga iyo Giriiga ay %40 ay yihiin haween iyo carruur loona baahan yahay in aan dhibaato loo gaysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...