Baarlamaanka Mororco oo Sheegay in dhulka Falastiin aan la Bixin Karin.

Date:

Baarlamaanka boqortooyada Morocco ayaa xaqiijiyay in dhismaha dowlad madaxbanaan oo caasimadeedu tahay Qudus ay xaq u leeyihiin dadka reer Falastiin maadaama aysan mugdi jirin in israa’iil ay haysato dhul aysan lahayn oo ay xoog ku qabsatay.

Baarlamaanka Moroco ayaa soo saaray bayaan ay arrintaas kaga hadleen kaas oo ay ku sheegeen “Dhisitaanka dawlad madax banaan oo caasimadeeduna tahay Qudus waa xuquuq u gaar ah oo aan cid kale lasiin karin Falastiiniyiinta” ayaa lagu cadeeyey bayaanka.

Qorshaha Qarniga ee nabada bariga dhexe oo ahaa mid uusoo bandhigay Madaxweynaha maraykanka ayay baarlamaanka Moroco ku tilmaameen inuu yahay qorshe colaad abuuraya oo aan arrimaha nabadda bariga dhexe u wanaagsanayn.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Moroco Xabiib Al-maalik ayaa tilmaamay in baarlamaanka Moroco ay si adag u diidan yihiin in la fara geliyo ama la qaato dhulka falastiin.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...