Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo shirka Golaha 47-aad uga qeyb gelaya Uganda

Date:

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas,iyadoo halkaa oo uu ku soo dhaweeyay Ku-simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ,Mudane Cali Maxamed Cagabaruur.

Wasiirka ayaa magaalada Kampala kaga qeybgalaya shirka heer wasiir ee Golaha 47-aad ee Xarunta Maamulka Shaqaalaha Gobolka Afrika (ARLAC) kaasoo loogu talagalay wasiirada mas’uulka ka ah shaqada ee waddamada Afrika.

Wasiir Sadiiq Warfaa ayaa shirka Golaha 47-aad ee ARLAC ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan arrimaha shaqaalaha iyo horumarada ay Wasaaradiisu ka gaartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...