Ciidan Xoogga dalka oo kala dhex-dhigalay maleshiyaad ku dagaalamay Galgaduud

Date:

Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay kala dhex-galeen maleeshiyaad dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ku dhex-marey deegaanada Mirxeyley & Bangeelle oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado & Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada la kala dhex-dhigey labada maleeshiyo Beeleed oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada 13-Aad Ee Ciidanka Dawladda Qaybta 21-Aad Col Cabdiraxman Macalin Maxamuud (Timadheere),waxaana ay ku guuleysteen inay dagaalka joojiyaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya deegaannadii lagu dagaalamey ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka meelihii lagu dalaamay.

Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka ayaa wada inay dagaalka xal ka gaaraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...