Wasaaradda Kalluumeysiga oo ka hadashay Kalluun dibadda uga soo baxay xeebta Muqdisho

Date:

Wasaaradda kallumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa faah-faahin hor dhac ah ka bixisay kalluun shalay lagu arkay xeebta magaalada Muqdisho, kaas oo soo caariyey.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Kallumeysiga Maxamuud Sheekh Cabdullahi oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kalluunkaas uu kusoo caariyey xeebta u dhaw xerada Xalane, isla markaana aysan jirin meel kale oo lagu arkay.

Kalluunkaas oo aad u badnaa ayaa subaxii hore ee shalay lagu arkay xeebta waxuuna sheegay agaasimuhu inuu yahay hal nuuc oo yar-yar laguna magacaabo Ceydi, kaas oo kalluumeysatadu ay ku dabtaan kalluunka kale ee waaweyn oo uu sheegay inuu cuno.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay inay wasaaradda Kalluumaysigu waddo baaritaan ku aaddan waxa sababay in kalluun intaas la’eg uu bannaanka u soo baxo, dhinaca kalena ay wadaan qorshe looga hor tegayo kalluumaysiga sharci darrada ah oo kalluunka ku jira xeebaha Soomaaliya ay wasaaraddu ka qaadeyso DNA si sharciga loola tiigsado dalkii lagu arko dekadihiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...