Wasiirka Boostada oo ka qeyb galay Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta ee Jaamacadda Carabta.

Date:

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya.

Shirka 23-aad ee Caadiga ah ee Wasiirrada Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Carbeed ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca tiknolojiyada ah ee dalalka Carabta, iskaashiga Carabta iyo Shiinaha iyo horumarinta is-dhaafsiga aqooneed. Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay horumarinta iyo daahfurka dadaallo lagu dhiirigelinayo horumarinta tiknolojiyadda sida Madasha Maamulka Internetka, Tayenta Muxtawaha Carbeed ee Internetka, iyo qodobo kale.

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta Mudane Eng. Cabdi Cashur ayaa waxa uu sidoo kale ka qeybgalay daahfurka Bayaanka Wadajirka ah ee dalalka Carabta ee ku aaddan dhisidda Bulsho Carbeed oo casri (dijitaal) ah, taas oo sal adag oo waara leh, kuna nool horumar iyo baraare joogta ah, iyo sidi loogu jiheyn lahaa xagga horumarka, bulsho qof ahaan iyo guud ahaan dadka oo dhami ka wada faa’iideysan karaan si buuxda, uguna baraarugaan horumarkooda waara, islamarkaana u horumariyaan tayadooda nololeed, taas oo ku saleysan kuna qotonta ujeeddooyinka iyo Mabaadi’da Axdiga Jaamacadda Carabta.

Wafdiga Wasiirka ayaa sidoo kale ka qeybgalay caleemo-saarka Caasimadda Carbeed ee Digitalka ah ee sanadkan, taas oo sanad walba loo aqoonsan doono magaalo ka mid ah dalalka Jaamacadda Carabta.

Dhinaca kale Wafdiga Wasiirka ayaa waxa ay sidoo kale kulamo doceedyo la qaateen qaar ka mid ah dalalka Carbeed ee ka soo qeybgalay dalka, si gaar ah dalalka Cuman kaas oo si gaar ah looga hadlay iskaashi dhinaca horumarinta kaabayaasha Isgaarsiinta ah iyo qodobo la xiriirra dhinaca ammaanka internetka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...