Guddiga Dhaqaalaha Wadajirka Ah Ee Turkiga Iyo Soomaaliya Oo Yeeshay Kulan-koodii Labaad

Date:

Shirka labaad ee Guddiga dhaqaalaha wadajirka ah ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa looga hadlay Iskaashiga dhaqaalaha laba dhinaclaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore iyo ka faa’iideysiga fursadaha jira.

Soomaaliya waxaa shirka uga qayb gelay wafdi heer wasiir ah oo horumuud uu u yahay wasiirka Qorshaynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, dhanka Turkiga-na waxaa uga qeyb galay wafdi kale oo wasiirka difaacu uu hoggaaminayo.

Shirka oo dhacay 30-31 October 2019 ayaa maalintii hore waxaa isugu yimid guddiyada farsamada ee labada dhinac.

kulanka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay horumarradii dhaqaale ee la gaaray iyo xariirrada dhaqaale, ganacsi, farsamo, dhaqan ee ka dhexeeya labada dowladood, waxaana la isla qiray in ay muhiim tahay in lasii adkeeyo iskaashiga

Shirka waxaa dhinac socday shir doceedyo wasiirradu ay la yeesheen wasiirrada dhiggooda ah ee dalka Turkiga.

Guddiga wadajirka ah ee dhaqaalaha Turkiga iyo Soomaaliya oo lagu aasaasay qodobka 7aad ee heshiiskii ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dowladood saxiixeen 22, 02, 2016, ayaa kulankii ugu horreeyay waxa ay January 11-12, 2018 ku yeesheen isla magaalada Ankara.

Labada dowladood ayaa horay u kala saxiixday heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dani ugu jirto labada dal iyo labada shacab.

            

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...