Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Oo Farriin Tacsi Ah U Diray Madaxweynaha Jabuuti, Cismaaciil Cumar Geelle

Date:

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal laga soo saaray Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu uga Tacsiyadeeyay Madaxweyne Geelle geeridii ku timid walaalkiis Sacad Cumar Geelle.

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh”ayaa lagu yiri War ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey Eebbe in Marxuumka uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....