Wasiir Beyle “sanadda 2020-ka waxaan rajaynaynaa in deynta cafinta soo gabagabowdo.

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Muqdisho ugu qabtay warbaahinta shirka jaraa’id ee billaha waxaa uu uga hadlay guusha Soomaaliya gaartay wada hadalkii ugu dambeeyay ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiir Beylle ayaa soo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hey’adda lacacga adduunka oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay dhammeystirtay qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee deyn cafinta waxaana uu dul istaagay shuruudihii ku xernaa.

Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday shuruudaha ku xeran wajiga afaraad ee barnaamijka deyn cafinta waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya ay raja wanaagsan ka qabto ka guul gaaridda wada hadallada deyn cafinta.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa uu hoosta ka xariiqay guusha wada hadallada deyn cafint inay ku xeran deganaashaha dalka iyo in Soomaaliya ay ka soo baxdo shuruuraha horyaalo waxaana uu bogaadiyaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo balan qaaday inay taageerayaan talaab walba oo Soomaaliya looga cafinayo deynta.

Geedi socodka wada hadallada deyn cafinta Soomaaliya oo soo maray wajiyo kala duwan ayuu wasiirku sheegay in ugu dambeynta Soomaaliya ay rajeynayso inay guul ka gaarto sanadka soo aadan ee 2020 lagana cafiyo deymaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...