Kacdoon dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab ka billowday gobollo dalka ka mid ah.

Date:

Shacabka ku nool gobollada koofurta Soomaaliya oo billaabay dagaal ay deegaannadooda uga cirib tirayaan malleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab.

Malleeshiyada Al-shabaab ayaa sii wada dhaca iyo boobka ay ku hayaan dadka xoolo dhaqatada, Ganacsatada, Beeraleyda iyo dad shacabka caadiga ah ee ku dhaqan gobollada, Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud, Xudur iyo deegaanno kale, laakiin cadaadis muddo sannado ah socday kaddib waxaa billowday kacdoon shacab oo ka dhan ah argagixisada Al-shabaab.

Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan waxaa ka aas-aasmay dhallinyaro la baxday Macawiisleey oo dagaal toos ah kula jira Al-shabaab, dagaallo badanna ugu geystay khasaare lixaad leh kaddib markii ay u dulqaadan waayeen dhaca ay Al-shabaab ku hayaan hantidooda.

Qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa Al-shabaab laga saaray tuulooyin ay ku qaadayeen waxa ay ugu yeeraan Zakawaat-ka oo ay ku banneystaan xoolaha shacabka.

Dhallinyaro kacdoon abuubulan sameysay ayaa Al-shabaab kula dagaallantay tuulooyin hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool, waana dhacdadii ugu dambeysay.

Malleeshiyada Argagixisada ayaa tobaneeyo Geella ka dhacay tuulooyinkaas hasa yeeshee dhallinyaradii dagaalka ka gashay ayaa dhowr neef oo xoolahoodii la dhacay dib ugu soo furtay Al-shabaab.

Warbaahinta Qaranka ayaa wareysatay maamullada deegaannadii lagula dagaalay nabad-diidka iyo qaar ka mid ah dhallinyaradii abaabulkaas sameysay oo wacad ku maray in ay dhulkooda u diidi doonaan argagixisada.

Waxaa socda abaabul kale oo ay shacabka ku damacsan yihiin in ay ku mideeyaan dagaallada laga isaga xorreynayo Argagixisada Al-shab

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...