Ra’iisul wasaaraha XFS oo soo xirey Bandhig Carweedka Buugaagta Muqdisho

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo soo xiray bandhigga buugaagta Muqdisho, ayaa dhallinyarada qorayaasha ah ee Soomaaliyeed ku dhiirri geliyay in ay qalinkooda ku bedelaan sawirka qaldan ee dalkeenna horay looga bixiyay, si loo helo sawirka saxda ah ee dalka, loona dhiso mustaqbal ifaya oo dunida soo jiita.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay ay muhiim tahay in dhallinyaradu ay afka Soomaaliga wax ku qoraan, maadaama aqriska iyo qoraalku ay horseedaan ilbaxnimo iyo in laga fogaado xasarado iyo colaado, ayaa cadeeyay in sida kaliya ee dhibka looga bixi karo ay tahay in qorayaashu ay si daacadnimo iyo damqasho leh ay dalkooda wax uga qoraan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee ee dalka xilligaan heysata ay tahay bedelaadda fikirka adduunyadu ay dalka Soomaaliya ka qabto, hase yeeshee uu aaminsanyahay in ay muuqato yadadiilo wayn maadaama ay dhallinyaradii ay xoogga saarayaan aqriska iyo qoraalka si ay dunida ugu sheegaan waxa ay tahay Soomaaliya, waxa ay ahaan jirtay iyo waxa ay noqon karto .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...