Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Addis-ababa uga qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAD

Date:

Shir ay isugu yimaadeen wadamada ku mideysan urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa lagu qabtay magaalada Addis,ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya,kaasi oo looga hadlayay arrimo badan oo ka taagan dalalka IGAD sida Koonfurta Suudaan.

Waxaa uu shirkan quseeyey wasiirada Arrimaha Dibadda ee wadamada ku bohoobay urur goboleedka IGAD,iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalay Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Axmed Ciise Cawad.

Soomaaliya waxaa ay kamaid tahay wadamada sida gaarka ah diiradda loo saarayo in laga taageero dib u soo kabashada,maadam dalka uu soo maray burbur muddo ka badan 25 sano.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo Soomaaliya u matalayay shirkaasi ayaa muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Dowladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD.

Waxyaabaha diiradda la saaray waxaa kamid ahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga wadamada ku mideysan Urur goboleedka IGAD,dhinacyada ammaanka,nabadda,horumarka iyo dib u heshiisinta.

Arrimaha sida aadka ah loo gorfeyey waxaa kamid ahaa geedi socodka nabadda ee Koonfurta Suudaan oo in muddo ah xiisado siyaasadeed ay ka taagnaayeen,iyagoo soo saaray baaqyo ku aadan sidi loo xoojin lahaa nabad waarta oo ka dhalata dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Sidoo kale shirka wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAD waxaa loogu hambalyeyeey Golaha hoggaanka sare ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Suudaan sida ay ugu guuleysteen dhismaha dowlad wadaag ah,si looga gudbo marxaladda adag ee uu marayo dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...