Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Addis-ababa uga qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAD

Date:

Shir ay isugu yimaadeen wadamada ku mideysan urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa lagu qabtay magaalada Addis,ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya,kaasi oo looga hadlayay arrimo badan oo ka taagan dalalka IGAD sida Koonfurta Suudaan.

Waxaa uu shirkan quseeyey wasiirada Arrimaha Dibadda ee wadamada ku bohoobay urur goboleedka IGAD,iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalay Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Axmed Ciise Cawad.

Soomaaliya waxaa ay kamaid tahay wadamada sida gaarka ah diiradda loo saarayo in laga taageero dib u soo kabashada,maadam dalka uu soo maray burbur muddo ka badan 25 sano.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo Soomaaliya u matalayay shirkaasi ayaa muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Dowladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD.

Waxyaabaha diiradda la saaray waxaa kamid ahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga wadamada ku mideysan Urur goboleedka IGAD,dhinacyada ammaanka,nabadda,horumarka iyo dib u heshiisinta.

Arrimaha sida aadka ah loo gorfeyey waxaa kamid ahaa geedi socodka nabadda ee Koonfurta Suudaan oo in muddo ah xiisado siyaasadeed ay ka taagnaayeen,iyagoo soo saaray baaqyo ku aadan sidi loo xoojin lahaa nabad waarta oo ka dhalata dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Sidoo kale shirka wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAD waxaa loogu hambalyeyeey Golaha hoggaanka sare ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Suudaan sida ay ugu guuleysteen dhismaha dowlad wadaag ah,si looga gudbo marxaladda adag ee uu marayo dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...