Muhaajiriin ku goโ€™doonsanaa Badda oo qabilaad ka heley dalal Yurub ka mid ah

Date:

Lix dal oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa oggolaaday 356 muhaajiriin Afrikaan ah oo ku goโ€™doonsanaa markab badda Talyaaniga ku sugnaa iney qaabilaan, muhaajiriinta oo in mudda ahba laga hortaagnaa iney Talyaaniga iyo Malta ay galaan.

Muhaajiriinta intooda badan oo ka soo jeeda dalka Suudaan ayaa billaabay damaashaad iyo heeso marki ay mqaleen in la qaabilayo,Ciidamada badda ee Jaziiradda Malta ayaa muhaajiriintaasi soo badbaadiyey oo markabkooda ku hayey,balse Malta waxay diidday iney halkaasi ku sii sugnaadaan.

Dowladaha Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Luxemberg, Portugal iyo Rumaaniya ayaa oggolaaday iney muhaajiriintaasi qaabilaan.

Hayโ€™adda samafalka ee SOS Mรฉditerranรฉe, oo Faransiiska laga leeyahay ayaa si weyn uga howlgashay sidii dadkaasi loo qaabili lahaa, iyada oo waddamada Yurub baaq u jeedisay marki ay muhaajiriinta badda laba toddobaad ay markab badda taagnaa dushiisa ku sugnaayeen.

Waxay hayโ€™adda baaqeeda ku sheegtay iney dad u dhimanayaan nidaamka qaabilaadda muhaajiriinta oo meel looga dhacay dartii.

Dadka burcadka ee dadka tahriibiya ayaa weli sii wada howlahooda tahriibinta oo ay sida weyn ugu macaashaan tahriibayaasha qaaradda Afrika ka soo jeeda ee doonaya iney Yurub gaaraan.

Dalka Liibiya ayaana waddanka ay dadkaasi marin ahaan u adeegsadaan,balse waa dal rabshado iyo qalalaasyo colaadeed ay hareeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...