Ciidanka Amniga oo Gobalka Sh/Hoose ku qabtay dhagar-qabeyaal siday walxaha qarxa.   

Date:

 

SNTV:- Ciidanka Qaranka oo howlgal qorshaysan ka sameeyay Gudaha magaalada Marka ee xarunta Gobalka ShabeeLlaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta kus soo dhigeen Afar dhagarqabe oo ka tirsan mintidiinta argagixisada xiriirka la leh ee Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa sheegay in dhagabar qabayaasha la soo qabqabtay xilli ay gacanta kula jireen Walxaha qarxa iyagoona gacanta kula jiray fal dembiyeedka iyagoo ku soo dhex qariyay jawaan ay ku jirtay Ganlay.

Labo dumar ah ayaa ku jira Dhagar qabayaasha ay ciidamadu gacanta ku dhigeen, oo midkood ay tahay hooyo xaamilo ah (uur leh, pregnant).

Arrintan ayaa muujinaysa sida awoodda kooxda Nabad diidka ee argagixisada xiriirka la leh ay haatan ay u tahay mid aad uwiiqantay kadib markii ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya shacab weynaha Soomaaliyeed ay billaabeen howlgalo lagula dagaalamayo kooxaha argagaxida si loo xasiliyo dalka, sidoo kale waxa taasi ay cadeyn u tahay in kooxda arxanka daran ee aragagaxisadu ay haatan u adeegsanayaan haweenka iyo caruurta.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa xoojiyay howlgallada iyo la dagaalanka kooxda arxanka daran ee argagaxisada Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay la wareegaan deegaanno badan oo ka tirsan gobalka Shabaallaha Hoose halkaaoo ay ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku dhibaateeyn jireen muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...