Ciidamada DANAB oo howlgal ka fuliyay Jubbada Hoose

Date:

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano dhaca duleedka Magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Saraakiisha Hoggaamineysay howlgalkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay ku duuleen xog sirdoon oo ay heleen,isla markaana ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Araare oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Taliyaha qeybta Ururka 2aad ee Ciidanka DANAB ee Gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle Muraal ayaa sheegay in Ciidanka degan deegaanka Baarsanguuni ay fuliyeen howlgalkaas,isla markaana aay dileen Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab balse dhankooda aan wax khasaaro ah soo gaarin.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in howlgallada ay sii wadi doonaan,isla markaana howlgalkaan ka xiga uu noqon doono deeganka Koban iyo deegaano kale oo ay ku sugan yihiin argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa Mudooyinkii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo waxa ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka halkaas oo ay ku beegsanayeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka naflacaariga ee Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...