Wasaaradda amniga oo guddi u saaraysa shaqaaqadii ka dhacday duleedka Baladweyne

Date:

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay guddi u saarayso shaqaaqadii Shalay ka dhacday degaanka kala bayr ee duleedka Magaalada Baladweyne.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ,  C/naasi Siciid, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in guddigan oo loo igmaday in uu ka warbixiyo, kana keena xog waafi ah wixii halkaasi ka dhacay iyo ciddii ku Lugta lahayd.

Wasiir ku xigeenka amniga Qaranka ayaa faray dhammaan hay’adaha amniga in aysan ka qeyb qaadan Ciidamada kala duwan wax qalqal gelinaya nabad gelyada iyo in aysan gacan ka geysan wax dhibaato u keeni kara xasillooniga guud.

Waxa uu Wasiir ku xigeenku ugu tacsiyeeyay Ummadda Soomaaliyeed iyo Ehelkii uu ka baxayba Taliyihii qeybta Ciidanka Boliiska Gobolka Hiiraan, Maxamed Macoow Xalane, wuxuuna sidoo kale Alle ugu baryay Xubnihii kale eek u dhaawacmay dagaalka Caafimaad deg-deg ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...