Kooxda  Xuutiyiinta oo gantaal ku dhuftay garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Sucuudiga

Date:

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yaman ayaa gantaal ku dhuftay garoonka diyaaradaha Abha, gantaalkaasi ayaa waxa ku dhaawacamay ku dhawad 26 ruux oo rayid ah oo ku sugnaa dhismaha qeybta dadka  garoonka ka soo dega, sida ay sheegeen isbaheysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yaman.

Isbaheysiga ayaa bayaan ay soo saareen  maanta oo arbaca ah ku sheegay in dadka dhaawaca u kasoo garay  gantaalka ay  u  dhasheen dalal kala duwan, waxaa ku jira dadka  qaba dhaawacayda,sida  ay  sheegeen isbaheysiga  carruur iyo haween kuwaas oo la geeyay Cisbitaal aan halkaasi ka fogeyn.

weli ma cadda nooca gantaalkaasi, isbaheysiga sucuudiga ayaa sheegay in weerarkani u caddeyn u yahay in Xuutiyiintu ay hub Horumarsan ka heleen dalka Iiraan.

Isbaheysiga Sucuudiga u hoggaaminayo ayaa faragelin ku sameeyay dalka Yaman bishi maarso sanadki 2015 si uu garab istago dowladda dalka Yaman oo weeraro kala kulmeysay kooxda xuutiyiinta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalka

Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar...

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...