Ra’iisul wasaare kuxigeenka oo bogaadiyay kobaca dhaqaale Dalka

Date:

NSTV;-Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) raiiusl wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaraadda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa siweyn uga hadlay ahmiyada wasaradaasi ay u leedahay horumarka ilaha dhaqaale ee dalka.

Raiiusl wasaare kuxigeenka ayaa sheegay in wasaradad Ganacsiga ay kamid tahay kaabayaasha dhaqaale ee dalka,loona bahaan yahay in sare loo qaado wax soo saarkeeda dhinaca ganacsiga iyo Warshadaha,iyadoo laga faaideysanayo hay’adaha caalaiga ah Ururada ganacsi iyo dowladaha daneeya Soomaaliya,kuwaasi oo intoodi badan horey heshiisyo loola galay.

Wuxuu kula dardaarmay wasiirka cusub in uu halkeedi ka sii amba qaado shaqda culus ee hortaala,isagoo wasiir Maareeye ku ammaanay waxqabadkiisa mudadii xafiiskaasi uu joogaya.

“Wasaaradda Ganacsigu waxaa ay kamid tahay ilaha dhaqaale ee dalka,kuwoodi ugu waaweyn,marka mudane wasiir waxaan kugula dardaarmayaa in howshaasi aad dardargelin doonto,maareeyana waxaana leeyahay waad ku mahadsantahay howshii adkeyd ee aad soo qabatay mudadii wasaaradda aad joogtay,hadana laftigeedu waxaad joogtaa wasaraada lafdhabar u ah Dalka”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

ni oo uu xilka kula wareegayay wasiirka csuuab ee wasaraadda ganacsiga Soomaaliya waxaa ka qeybgalay raiisul wasaare ku xigeenka dalka,wasiiro ka tirsan xukuumadda xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Ugu dambeyntii waxaa shahaado sharif ku aadan shaqo wanaagiisa la guddoonsiiyay mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay u garteen maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda Ganacsiga intii uu xafiiskaasi joogay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...