AMISOM oo haween Somaaliyeed u samaysay wacyigalin ku aadan hannaanka dib u eegista dastuurka

Date:

SNTV:-Ilaa 25 dumar ah oo laga soo kala xulay guud ahaan ururada bulshada rayidka ah ee dalka ayaa lagu wacyigaliyay sidii ay door muuqda ugu lahaan lahayeen hanaanka dib u eegista dastuurka ee ka socda dalka

Haweenkan ayaa waxaa ay iskugu jireen kuwo matalayay ururada kala duwan ee dhalinyarada, haweenka ciyaaraha iyo saxaafada

Ms Mane Ahmed, u qaabilsanaha AMISOM ee arrimaha jinsiga oo ka hadashay madasha isdhaxgalka lagu samaynayay ee ay  soo qabanqaabisay laanta AMISOM u qaabilsan badbaadada,  xuquuqda aadanaha iyo Jinsiga ayaa hoosta ka xariiqday muhiimada ay leedahay in la fahmo kaalinta haweenka ee wax ku kordhinta dastuurka

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in ay nala joogto wasaaraddi arrimaha dastuurka si aan u eegno sida ay ururada bulshada kaalin ugu lahaan karaan dib eegista dastuurka. Waa muhim inaan maqalno codadkooda, caqabadhooda iyo argtidooda ku aadan kaalinta jinsiga ee dastuurka”ayay tiri  Mane.

Ayada oo intaasi raacisay “Haweenka Somaalida waxaa ay aad ugu humuun qabaan ka qeybqaadashada hanaanka dib u eegista dastuurka si ay u xaqiijiyaan in si buuxda loo matalo si gaar ah markii la eego hanaanka siyaasadda ayna suuragal u noqoto matalaada boqolkiiba 50ka ah.”

Kafiya Cabdullahi oo ah lataliyaha arimaha jinisga ee wasaaradda Arrimaha dastuurka ee Somaaliya ayaa ka soo qeybgalayaasha ku wargalisay halka uu marayo hanaanka dib loogu eegayo dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka ee la qoray sanadii 2012ki

Dowlada fadaraalka ah ee somaaliya ayaa daahfurtay dib u eegista dastuurka  bishii may ee sanadka 2018 ayada oo la filayay in dhamaadka sanadkaasi ay somaaliya yeelan doonto dastuur cusub si loogu gogol xaadho doorsho hal qof iyo hal cod ah oo dhacda sanadka 2020ka

Kafiya ayaa Gabagabadii ku tilmaantay kulanka mid dhiirigalin leh islamarkaana aad muhiim ah

“Waxaan kawada hadalnay doorka haweenka ee ay tahay in ay ciyaaraan si ay wax ugu biiriyaan ayaga oo gudanaya waajibaadkooda.”

Ilhaan Maxamaed Xassan oo ka tirsan midowga haweenka aqoonyahanada ah ee Somaaliyeed (Somali Professional Women’s Union)  ayaa ku dhiirigalisay in haweenku ay bartaaan qodobada dastuuriga ah ee khuseeya arrimaha haweenka

“waxaan u ololeynaynaa in (dastuurka) lagu daro qoondada haweenka ee boqolkiiba 30ka ah, ka badbaadinta (haweenka) ee xadgudubka ku salaysan jinsiga, xaquuqda aan u leenahay in aan qeyb ka noqono sadexda laamood ee dowladda” ayay tiri Ilhaan

Mudadii Kulanka ayay ka soo qeybgalayaashu ku baaqeen in la helo hanaan loo dhan yahay oo tixgalin gaar ah siinaya matalaada dumarka. Haweenka ayaa sidoo kale ku baaqay in la helo sinaan hanaanka siyaasadeed ah iyo in la siiyo fursado.

Sahra Cabdi Xaaji oo madax ka ah hay’ad maxali ah oo lagu magacaabo Somali youth United (Midowga dhalinyaradda Somaaliyeed) ayaa ku baqaaday in dumarka iyo dhalinyaradda ay ka helaan baarlamaanka ka qeybgal siyaasadeed oo dheelitiran

“Ha siinina boqolkiiba toban dhalinyardda iyo boqolkiiba sodon haweenka ah, waxaan baarlamaanka ka rabnaa kuraas kabadan intaas sababtoo ah waxaan matalnaa intabadan bulshada” ayay sahra xustay

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...