​Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo daahfuray mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed

Date:

NSTV:-Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha,isagoo halkaas ku daahfuray mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya.
Kulanka waxaa wasiirka ku weheliyay wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka ee Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed,Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya.
Mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya oo socon doona muddo saddex sanno ah ayaa ka taageerri doona dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada sameynta shuruucda muhiimka u ah shaqada iyo kor u qaadidda howl-wadeennada wasaaradaha.
Wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo isboortiska Puntland, Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay mashruucan inuu sidoo kale diirrada saarayo shaqo abuur iyo mashaariic farsamadda gacanta ah oo bulshada Soomaaliyeed ay ku baranayaan xirfadaha gacanta.
Daahir Faarax Fiidow , oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada ee dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay mashruucan inuu waxbadan u faa’iideyn doono shacabka Galmudug iyo guud ahaan waddanka.
Gabagabadii, Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ahmiyad gaar ah siinayso shaqo abuurka bulshada Soomaaliyeed, isagoo xaqiijiyay mashruucan inuu sidoo kale horumarinayo shaqaalaha Soomaaliya.
“Ula jeedka ayaa waxa uu ahaa mashruuc cusub oo kartidda iyo aqoonta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka kor loogu qaadayo si ay u fuliyaan oo ay shaqadooda u garanayaan , marka ula jeedku wuxuu yahay qofka shaqada abuuraya in kartidiisa iyo khibradiisa kor loo qaado si shaqadiisa uu u fusho.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri ” Runtii waxaa sharaf weyn ii ah inan ku guuleystay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka wasaaradahooda shaqada inay casuumadii iga aqbaleen oo ay halkan isugu yimaadeen iyaga iyo deeq-bixiyeyaasha oo aan mashruucan rajeynayo marka ay dib u noqdaan inay hirgalin doonaan, kaas oo shaqaalaha aqoontoodda iyo kartidoodda kor loogu qaadayo, dalkana loo jiheeyo shaqo abuur , dhallinyarada Soomaaliyeedna la jiheeyo.”
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada adduunka ee ILO ayaa fulinaysa mashruucan oo ay taageerrayaan deeq-bixiyeyaal ay ku jiraan Midowga Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...