Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Madasha lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka oo maanta laga furay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh.

Madasha oo sanadle ah, qaban-qaabadeeduna uu leeyahay Machadka Caalamiga ee Stockholm ee Cilmi-baarista Nabadgelyada (SIPRI), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa mowduuca ku saabsan  ‘Ka jawaab celinta dhibaatooyinka si nabadda loo dhiso: ka guul-keenidda wadajirka’.

Madasha oo seddex cisho socon doonta (14-16 May) ayaa Mudane Danjire Axmed Cawad ka jeedin doonaa hadallo dhowr fadhi oo wadatashiga ka mid ah oo ay kala qeybqaadanayaan Wasiirro iyo wakiillo caalami ah oo ay ku fallanqayn doonaan nabad dhisidda, deganaanshaha iyo horrumarka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...