Dhuusamareeb oo caawa u gudubtay wareegga Labaad ee tartanka

Date:

Muqdisho (SNTV)-Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa sagaalaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Jowhar iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Jowhar iyo Dhuusamareeb ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Jowhar

Tartameyaasha Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jowhar ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Dhuusamareeb

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen lix su’aal, iyagoo iska qalday hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Jowhar, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb waxay noqotay afar iyo toban (14) dhibcood, waana dhibcihii ugu badnaa ee Degmo ku adkaato inta uu tartanka socday wareegga koowaad.

Hadaba kulankii 9aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Yaaqshiid iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...