Maamulka wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda

Date:

Muqdisho (SNTV) Kulan looga hadlayay dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya uuna soo qaban qaabiyay Xafiiska maamulka iyo shaqaalaha ee wasaaradda ayaaa lagu qabtay Muqdisho,waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradaa.

Intii uu socday kulankaasi ayaa lagu soo bandhigay talooyin iyo fekrado ku aadan sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya xoojinta iyo dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradda,iyadoo laga duulayo hannaanka shaqada iyo shaqaalaha ee wasaaradda.

Sidoo kale waxaa kulankaasi lagu soo qaatay waajibaadka shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha,iyadoona lagu soo bandhigay habka xaadirinta suulka ee (finger-printing)  taasi oo hab casri ah,oo lagula socon doono xogta shaqaalaha .

Agaasimaha maamulka iyo maamliyadda ee wasaaradda mudane Guuleed Maxamed Ibraahim oo madasha ka hadlay ayaa shaqaalaha wasaraadda kula dardaarmay in qof walba oo shaqaaleka ah wasaaradda uu ilaaliyo waajibaadkiisa shaq, iyadoo isna la ilaalinayo xuquuqdiisa .

Gaba-gabadii kulanka ayaa waxaa la isku afgartay in dhamaan shaqaalaha iyo agaasimayaasha waaxaha wasaaraddda ee ka soo qayb galay madashan  ay si wadajir ah loogu adeego Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay...

Guddoomiyaha SoDMA oo xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Taliyaha Taliska Tababarrada CXDS oo tababar dalka Rwanda ugu soo xiray Saraakiil Ciidan

Taliyaha Taliska Tababarada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto...

Wasiirka Ganacsiga oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Jamaal Maxamed...