Shirka Tubta Gobolka Banaadir oo looga hadlay Bilicda iyo Amniga Caasimadda

Date:

Abril 24, 2019– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) oo guddoomiyey Shirka Tubta Gobolka Banaadir ayaa amray laamaha Dawladda Hoose in ay dardar geliyaan hawllaha Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda maadama la galay xilli roobaadkii.

Eng.Yariisow ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda, gaar ahaan mulkiileyaasha goobaha ganacsiga in ay la shaqeeyaan hawla wadeennada Dawladda Hoose ee habeen iyo maalin u taagan ilaalinta bilicda iyo fayo dhawrka bulshada.

Sidoo kale, Shirka Tubta Gobolka waxaa lagu soo bandhigay dib u eegsita Xeerka Maareynta Qashinka, Looxa hawllaha Halbeegyada Tubta, Dhammeystirka Qalabka Electronic-ga ah ee Gobolka iyo wada shaqeynta Maamullada heer Degmo iyo Laamaha Ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan qeybaha Maamulka, isagoo ugu baaqay in si dhow loola shaqeeyo Hay’adaha ammaanka ee ku howllan ka hortagga falalka argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa isla meel dhigay dardar gelinta ka qeyb qaadashada barnaamijka Isxilqaan ee dalka lagu dhisayo, iyagoona uga mahadceliyey qeybaha bulshada doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska, dayactirka iyo biliceynta Gobolka.

Madaxda Heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si dhaw u falaanqeyey miro-dhalka Barnaamijyada muhiimka u ah Adeegyada Asaasiga Bulshada ee laga hirgelinayo Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo sidii loo sidii loo dardargelin lahaa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...