Date:

Muqdisho (SNTV)- Ciidammada Kummaadoosta Soomaaliya ayaa mar kale gurmad raashiin ah gaarsiiyey shacabka masaakiinta ah ee ku sugan deegaannada Sabiid iyo Caanoole.

Ciidammada DANAB ee Xoogga Dalka ayaa tagay deegaannada Sabiid iyo Caanoole iyagoo gawaaridooda ku soo raray raashiin noocyo kala duwan leh oo ay ugu talo galeen in ay uga jawaabaan dhibaatada dhinaca nolosha ah ee ka jirta deegaanadii ay dhowaan sida xoogga ah uga saareen Maleeshiyada Itaalka darran ee Al-shabaab.

Taakuleyntaan oo ah tii labaad ayaa  ujeedkeedu yahay in la badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee u baahan amniga iyo gurmadka, kuwaas oo sannado badan aanan helin gargaar sidaan oo kale ah, maadaam ay gummaad ku hayeen argagixisada Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...