Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Wasiirka Horumarinta Norway

Date:

Washington (SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta dalka Norway Dag-Inge Ulstein, ayaa kulan gaar ah ku qaatay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta Nowray ayaa looga hadlay isbedellada hay’adaha dolwladda Soomaaliya iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay waddo dawladda Soomaaliya si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiir Dag-Inge Ulstein ayaa isla soo qaaday baahida loo qabo in Soomaaliya lagu taageero qorshayaasha ay degsatay ee ku saleysan baahiyaheeda si loo hir-geliyo dhammaan qorshayaasha dawladda ay ka leedahay dhaqan-gelinta iyo ka mira dhalinta himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Norway ayaa qayb ka ah wadamada Soomaaliya ka taageera nabadayta, xasiloonida iyo barnaamijyada horumarinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...