Golaha Aqalka sare oo Akhrinta Koowaad Marsiiyey Hindise Sharciyeedka mihnadleyaasha caafimaadka “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV)-Senatarada golaha aqalka sare BFS ayaa maanta yeeshay kalfadhigii 5aad Kulankiisa 2aad, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku-xiggeenka 1aad golaha aqalka sare baarlamaanka soomaaliya Mudane Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari”.

Ajandaha ayaa ahaa Akhrinta 1aad ee hindise sharciyeedka mihnadleyaasha caafimaadka, Wasiirka Caafimaadka XFS iyo xubno ka mid ah howl wadeenada wasaarada ayaa xarunta golaha ku sugnaa.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka XFS Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa faah faahin ka bixisay hindise sharciyeedka mihnadleyaasha caafimaad iyo faa’iidada uu u leeyahay Soomaaliya.

Qaar ka mid ah senatarada golaha aqalka sare ayaa su’aalo ka weydiiyay Wasiirka Caafimaadka hindise sharciyeedka mihnadleyaasha caafimaad, Waxaana iyaddoo wasiirka ka jawaabaysay su’aalaha qaar ay sheegtay in wax badan laga faa’iidayo oo xaga la Xisaabinta dhaqaatiirta Ajnabiga ah iyo Oggaanshaha ganacsiga dawada dalka la keeno iyo tayadooda.

kulanka ayaa waxaa soo xeray guddoomiye ku-xiggeenka 1aad ee golaha aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Abshir Maxamed Axmed, wuxuuna sheegay in guddiga uu quseeyo sharcigaan lagu wareejinayo, senataradana ay soo akhrisanayaan si looga doodo kulamada danbe.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...