Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safirka Koonfur Kuuriya

Date:

Muqdisho(SNTV):– Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyre Cabdi, ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay maanta xafiiskiisa Wasaaradda Mudane Choi Yeonghan, Safiirka Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya ee  fadhin doono Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii qaabilaadda lagu guda-jiray, Wasiiru dowle Cabdulqaadir iyo Danjire Choi waxa ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashi dhinacyo badan leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...