Duulimaadkii ugu Horreeyey oo ka degay Garoonka cusub ee magaaladda Baraawe

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada Dawlad goboleedka Koofur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta ka degay goroonka diyaaradaha degmadda Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee Maamulkaasi.

Garoonka degmadda Baraawe oo dhismihiisa uu socday muddo Hal sano iyo Sideed bilood ah ayaa maanta waxaa si tijaabo ah uga degtay diyaarad Duulimaadyo toos ah  ka bilowday Magaaladda Baraawe.

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada Dawlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa markii uu ka degay goroonka degmadda Baraawe waxaa si diiran gudaha goroonka ugu soo dhaweeyey maamulka degmada Baraawe Saraakiisha Ciidanka iyo Bulshadda Deegaanka.

Maamulka degmadda Baraawe iyo dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa muujiyey dareenkooda ku aadan goroonka loo dhisay, maadaama Baraawe intii ay jirtay garoon diyaaradeed aysan yeelan,  kana uu yahay kii ugu horeeyey.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...