Ciidamada Amniga oo aad u adkeeyey Amaanka Caasimadda

Date:

Muqdisho (SNTV) Amniga caasimadda ayaa aad loo adkeeyay, si looga gaashaanto qaraxyada argagixisadu ay la beegsanayaan dadka rayidka ah.

Ciidammo dheeriya ayaa la soo dhigay magaalada iyo isgoysyada iyo jidadka waaweyn ee caasimadda, kuwaas oo sugaya amniga, isla markaana baaraya gaadiidka ay ka shakiyaan.

Ciidammada amaanka ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay xaafado ka tirsan caasimadda ka fuliyay howl gallo ay amniga ku sugayaan, iyagoo baaritaanno ka sameeyay dhowr degmo kuna soo qabtay dad looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin argagixisada Alshabaab.

Hay’adaha amniga dalka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan sugidda amiga iyo cirib tirka kooxaha argagixisada ah, ayna laamaha amniga ku soo war geliyaan dhaq dhaqaaq kasta oo shaki galiya, si looga gaashaanto in argagixisadu carqaladeeyaan nabad gelyada caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ciidanka Booliska ayaa Gaadiidka Gurmadka Degdega ah ku diyaariyay goobaha gawaarida lagu baarayo si loogu qaado dadka xanuunsan, iyadoo sidoo kale shacabka loo diyaariyey gaadiid basas ah oo loogu talo galay in lagu fududeeyo isku socodka dadweynaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...

Xujeyda Soomaaliyeed oo maalintii saddexaad gaaraya Magaalada Madiina

Magaalada Madiina waxaa maalintii saddexaad soo gaaraya xujeyda Soomaaliyeed...

UNTMIS iyo Safiirka UK oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS)...