Ciidamada Amniga oo aad u adkeeyey Amaanka Caasimadda

Date:

Muqdisho (SNTV) Amniga caasimadda ayaa aad loo adkeeyay, si looga gaashaanto qaraxyada argagixisadu ay la beegsanayaan dadka rayidka ah.

Ciidammo dheeriya ayaa la soo dhigay magaalada iyo isgoysyada iyo jidadka waaweyn ee caasimadda, kuwaas oo sugaya amniga, isla markaana baaraya gaadiidka ay ka shakiyaan.

Ciidammada amaanka ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay xaafado ka tirsan caasimadda ka fuliyay howl gallo ay amniga ku sugayaan, iyagoo baaritaanno ka sameeyay dhowr degmo kuna soo qabtay dad looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin argagixisada Alshabaab.

Hay’adaha amniga dalka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan sugidda amiga iyo cirib tirka kooxaha argagixisada ah, ayna laamaha amniga ku soo war geliyaan dhaq dhaqaaq kasta oo shaki galiya, si looga gaashaanto in argagixisadu carqaladeeyaan nabad gelyada caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ciidanka Booliska ayaa Gaadiidka Gurmadka Degdega ah ku diyaariyay goobaha gawaarida lagu baarayo si loogu qaado dadka xanuunsan, iyadoo sidoo kale shacabka loo diyaariyey gaadiid basas ah oo loogu talo galay in lagu fududeeyo isku socodka dadweynaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...