Shir looga hadlayo mideynta Waxbarashada Dalka oo maanta ka furmaya Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV) Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka waxaa ka furmaya shir looga hadlayo midaynta Waxbarashada dalka, kaas oo ay ka qayb-galayaan Wasaaradda Waxbarashada dalka iyo wakiillo ka socda Dawlad goboleedyada.

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa sidii Manhajka Waxbarashada Dalka loo midayn lahaa, loona gaarsiin lahaa gobollada dalka, si sare loogu qaado tayada Waxbarashada.

Arrimaha kale ee laga hadlayo waxaa ka mid ah wada-shaqaynta hay’adaha Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dawlad goboleed, taas oo xoojinaysa iskaashiga labada dhinac ee loogu adeegayo Bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...