Soomaaliya oo shir looga hadlayo muran goboleedka Saxaraha uga qeybgashay Morocco

Date:

Marrakesh (SNTV):– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro midnimada iyo isku xidhanka Qaaradda Afrika si looga fogaado dhaq dhaqaaqyada gooni isku taagga ee isku dayaya inay abuuraan kala qeybsanaan dhibaato ku ah midnimada qaran ee dalal kala duwan.

Wasiirka oo hadal ka jeedinayay shirka heerka wasiir Afrikaan ee taageerrada Midowga Afrika ee hab siyaasadeedka Qaramada Midoobey ee Muran goboleedka Saxaraha oo ku qabsoomay shalay oo Isniin ahayd (25 Maarso) Magaalada Marrakesh ee dalka Morocco, ayaa sheegay in Midowga Afrika uu leeyahay sharciyo iyo siyaasad joogto ah oo ku suntan muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo bedqabka dowladaha iyo dhowridda awoodda dadyowga qaaradda.

Shirku wuxuu soo saarey war murtiyeed taas oo dhammaan wadamada ka qaybqaatay ay ku heshiiyeen.

Intii lagu guda jiray shirka, Mudane Danjire Axmed Cawad waxaa uu kulamo docoleed la yeeshay dhiggagiisa, Wasiirrada iyo wakiillo diblomaasiyadeed ka socday dhowr dal oo Afrikaan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...