Garoonka Aadan Cadde oo loo sameeyey Ciidan loogu talagalay badbaadinta dadka ku hafta biyaha badda

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidankan loo tababaray badbaadinta dadka ku hafta biyada badda oo loo sameeyay Garoonka Aadan Cadee tan iyo Bur burkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sameyeye dhoolo tus ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen ee la xiriira gudashada waajibaadkii loo igmaday.

Ujeedda arrin tan ka dambeysa ayaa ah in la waafajiyo nidaamyada iyo adeegyada kajira garoonada caalamiga ah ee ka dhisan dunida inteedi kale,waxaana ciidanku ay bilaabeen in ay guda galaan shaqooyinkii loo igmaday.

Maxamed Cabdiwahaab oo hogaaminayay kooxda loo diyaariyay  badbaadinta dadka ku hafta biyaha bada hadii ay dhacdo lama filaan ah qabsato ayaa sheegay in ay haystaan xirfad iyo tababara ku filan oo ay ku gudan karaan waajibaadka loo igmaday,wuxuuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay bulshadoodi u adeegaan.

S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gob jog ahaa  ayaa la wareegay dhul loogu talgalay in xarun looga dhisa Ciidanka Ilaalada xeebaha Soomaaliya  gaar ahaan kuwa ilaalada xeebta garoonka,wuxuuna taliyuhu muujiyay in ay diyaar u yihiin sidii ciidankaasi ay u qabsan lahaayeen waajibaadkooda.

Wasiirka  gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa sheegay in ciidanka ay qeyb ka yihiin Horumarinta Garoonk,islamarkaana amnigiisa uu noqon doono mid meeshi laga rabay gaara.

Todobaadkaan gudihiisa ayay aheyd Markii dib loo dhagax dhigay xaruntii horey ee dam-demiska Garoonka Aadan Cade,waxaana tani ay muujinaysaa in garoonkaasi uu ku talaabsanayo horumar ku aadan in loo dhameystiro guud ahaan adeegyada ay bulshadu uga baahanyihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...