Ra’iisul Wasaaare Khayre Oo Guddoomiyay Shir Ay Yeesheen Wasiirrada Socdaalka Ku Wehliya Iyo Wasiirrada Jubaland

Date:

Arbaco, Maarso 13, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shir ay Kismaayo ku yeesheen wasiirrada ku wehliya socdaalkiisa iyo wasiirrada wada shaqayntu kala dhexeyso ee ka tirsan dawlad gobaleedka Jubaland.

Shirka Wasiirrada dhex maray oo uu sidoo kale goob joog ka ahaa madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa intiisa badan looga hadlay sidii looga gudbi lahaa madmadawga jiray ee hoos u dhigay isku xirnaanta ka dhexeysa labada dhinac iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn buuxda oo fududeeya gudashada waajibaadka madaxda ka saaran u adeegidda ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka intii uu socday ayaa lagu heshiiyay in dhammaan la xalliyo cabashadii jirtay iyo in labada dhinac ay yeeshaan wada shaqayn buuxda si hannaan wadajir ah loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka qorshaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in wasiirrada federaalka iyo wasiirrada Jubaland laga doonayo in ay dardar-geliyaan fulinta qodobadii kasoo baxay shirkaan oo sidoo kale looga hadlay xoojinta Tababararada, iskaashiga iyo wadashaqaynta shaqaalaha Dawladda.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku joogo magaalada Kismaayo ayaa qorshihiisa ugu wayn waxa uu ahaa in sare loo qaado midnimada, wadajirka, wada shaqaynta dawladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobaleedka Jubaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...