Madaxweynaha K/Galbeed oo maanta gaaray degmada Diin-soor

Date:

Muqdisho (SNTV) Wafdigan oo uu hoggaaminayay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedada socdaalka wafdigan madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) oo ay kamid yihiin xubno isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa ah sidii uu halkaasi uga furi lahaa mashaariic horumarineed.

Waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay degmada Diinsoor maamulka degmada,shacabka mas’uuliyiin iyo saraakiil oo halkaasi ku sugan.

madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliayay degmadasi sida Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale oo loogu talagalay in loogu adeego bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...