Rabshado ka taagan degaannada Oromada ee Dalka Itoobiya

Date:

Addis Ababa-(SNTV)- Ugu yaraan 10 degaan oo ka tirsan Gobolka Oromada ee Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka jira kacdoon ku saleysan fidinta Dhulka ay ku fadhido Caasimadda Addis ababa.

Kumanaan Dad ah oo dhigaya dibed baxyo lagaga soo horjeeda ballaarinta Caasimadda Addis Ababa, ayaa isugu soo baxay Magaalooyin ay ka mid yihiin Jimma, Ambo, Awaday, Bale iyo Adama.

Dadkan ayaa caro ka muujiyay markii uu maamulka Magaalada Addis ababa, sheegay in iskaashatooyinka iyo Dadka danta yar lagu wareejiyay Kumanaan Guri oo laga hirgeliyay duleedka Caasimadda, halkaas oo ay Qowmiyadda Oromadu ku doodeyso lahaanshiyaheeda.

Rabshadihii sababay in uu xilka ka dego Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalkaasi, Hailemariam Desalegn, ayaa sidan oo kale ka billoowday kacdoon ka dhashay is Afgaran waa ku aaddan ballaarinta Caasimadda Addis ababa.

Isha/Agencies

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal...

NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ku dishay horjoogeyaal khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray

Turkey’s SolidAERO waxa ay soo saartay TALAY, oo ah...

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...