Safiirka Soomaaliya u jooga Kuwait oo ka war bixiyay xiriirka Labada Dal

Date:

Kuwait City-(SNTV)-Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Dalka Kuwait, Danjire Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa waxaa Waraqaaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka Wadanka Kuwait, Shekh Sabah Al-Axmad Al-sabaah.

Danjire; Odowaa, ayaa sheegay in si diirran loogu soo dhoweeyay Dalka Kuwait, isla markaana ay Dowladda Dalkaasi u muujisay Ixtiraam aad u sarreeya oo ah mid ay u hayso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay inay dar-dar gelin doonaan howlaha shaqo ee Safaaradda oo ah hagaajinta xiriirka Labada Waddan, iibinta ama muujinta wenaagga Dalkeenna Soomaaliya iyo u adeegista Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool Dalka Kuwait.

Dhismaha iyo qalabaynta Safaaradda ka dib ayuu sheegay Danjiruhu in ay ka shaqayn doonaan wax ka qabashada adeegyada kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed, wuxuuna intaa raaciyay in uu la yeelan doono kulamo kala duwan si uu u ogaado baahiyaha ay qabaan.

Amb; C/llaahi Maxamed Odawaa, oo ah Safiirkii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya u Magacawdo Dalka Kuwait, ayaa sheegay in ay isaga iyo Boqor, Shekh Sabah Al-Axmad Al-sabaah, isla garteen inay soo celiyaan xiriirkii ka dhaxeeyay Labada Dal 30 Sano ka hor, door wada jir ahna ay ka ciyaari doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...