Guddoomiyaha golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Wasiir Xoosh

Date:

Ankara-(SNTV)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo howlo shaqo u jooga Dalka Turkiga ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid AUN Wasiirkii Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marxuum; Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Wasiirka ayaa Maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Dubai ee Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta , isagoo Alle uga baryay in naxriistii Janno uu ka waraabiyo Ahelkii, qaraabadii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ka baxayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Wasiir  , Cabdirxamaan Xoosh Jibriil ,waxa uu ahaa Wasiir ay ka go’antahay Inuu si wanaagsan ugu adeego Dadkiisa iyo Dalkiisa, isagoo ahaa ahaa shaqsi ay ku weyntahay Dowladnimada iyo Soomaaliya oo horumar kan kasii balaaran gaarta, wuxuuna si gaar ah uga shaqeynayay sidii ay Soomaaliya u yeelan laheyd Dastuur dhameystiran” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn sheegay in isagoo ku hadlaya Magaciisa iyo kan guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka uu  tacsi gaar ah u dirayo Ehelka, qaraabada marxuumka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Allaha ha u naxriistee Wasiirkii Arrimaha Dastuurka Soomaaliya waxa uu ahaa  Abuukaate wax ku soo bartay Dalka Canada, July 2011-kii ilaa November 2012-kii, waxaa uu ahaa Wasiirkii Dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee Dowladdii xiligaas jirtay,sidoo kale Sanadkii 2012-kii wixii ka dambeeyay, waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii 9aad, guddiga xuquuqul insaanka ayuu sidoo kale ka mid ahaa.

Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...