Ururka Suxufiyiinta Haweenak ee Sowjra oo soo dhaweeyay waxyaabihii ka soo baxay shirweynihii Qaran ee haweenka

Date:

Muqdisho (SNTV) Ururka u dooda xaquuqda haweenka saxafiyiinta Somaaliyeed (SOWJRA) wuxuu tageeraya shir weynihii qaranka haweenka Somaaliyeed ay soo qaban qaabisay wasaarada haweenka iyo xaquuqal insaanka ay daahfurtay Marwada koowaad ee dalka Seynab Abdi Macalim uuna soo xiray Ra’isul wasaare Xasan Ali kheyre 6_March 2019, hal ku dhigiisu ahaa yagleelida ilaalida xaquuqda qofkasta

wasiirka haweenka iyo xaquuqal isaanka Deeqo Yasiin Xaji Yuusuf oraahdeedi ka faa’iideysiga fursadaha dib u eegista dastuurka sharciga doorashooyinka in haweenka haddii ay si wanaagsan uga faa’iideystaan horumar weyn la gaari karo iyo baaqii marwada kowad ee dalka Seynab Abdi midnimada haweenka iyo is kaashiga haweenka Somaaliyeed iyo warmurtiyeedka ka soo baxay shirkaas.

Haddaba,  Ururka u dooda xaquuqda haweenka saxafiyiinta Somaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loogu yeero (SOWJRA) wuxuu u taageeraya si Cad shir weynaha haweenka. SOWJRA waxaay sidoo kale ku baaqaysaa iskaashi, midnimo iyo in haweenka dhammaan himiladooda ka miro dhalinyaan . Sidoo kale waxaan soo dhaweynaynaa maalinta haweenka ee caalamiga ah oo aan leenahay hambalyo haweenka caalamka oo dhan iyo kuwa geeska Afrika gaar ahaan haweenka soomaaliyeed in si wadda jir ah loo xuso munasabadas.

Leila Ad’ed OsmanSomali Women Journalist Rights Association (SOWJRA)ChairpersonEmail: chairlady@sowjra.org             info@sowjra.org

Mobile: +252615610500

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...