Xukuumadda Soomaaliya Oo Billaawday Daadejinta Hawlaha Tubaha Qaranka

Date:

Khamiis, Maarso 07, 2019 –Mas’uuliyiinta madaxda ka ah Tubaha qaranka iyo hawl-wadeenno kale oo uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud, ayaa maanta magaalada Baydhabo uga qayb galay shirka golaha wasiirrada Koonfur Galbeed.

Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa lagu soo bandhigay Halbeegyada tubaha qaranka iyo hannaanka tubuhu u shaqeeyaan, iyada oo si qota dheer looga dooday hannaanka wasaarad waliba ay uga qaadan karto qaybta uga aadan.

Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa kulanka kadib sheegay in muhiimadda shirku ay ahayd in golaha wasiirrada Koonfur Galbeed xog laga siiyo tubaha qaranka si ay qaybtooda uga qaataan, isaga oo cadeeyay in dhammaan dawlad gobaleedyada xunbaha ka ah dawladda federaalka laga qayb gelinayo dhaqan gelinta Halbeegyada tubaha qaranka.

Howlaha xukuumadda ayaa lagu saleeyay afarta Tuboood ee kala ah Tubta horumarinta dhaqaalaha, tubta siyaasadda loo dhanyahay, tubta horumarinta arrimaha bulshada iyo tubta amniga iyo cadaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...