Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ugu baaqay Wadamada Islaamka inay taageeraan deyn cafinta Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka jeediyay khudbad kulanka 46,aad ee Golaha Wasiirrada Wadamada xubnaha ka ah Ururka Islaamka oo shalay oo Jimce ahayd ka furmay Caasimadda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay had iyo jeer abaal u heyso Ururka Iskaashiga Islaamka sababo ku aaddan taageerrada iyo isgarabtaagga uu muddo dheer u muujinayay, si gaar ahaaneed qarannimada Soomaaliya, madax banaanidiisa iyo bedqabka dhulkiisa.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa markii ugu horreysay kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ku qabsaday Magaalada Muqdisho 27 Oktoobar, 2018. Ururka waxa kale oo wax ka bedel ku sameeyay xafiiskiisa bani’aadannimo ee Soomaaliya oo loo rogay mid diblomaasiyadeed oo dhammeystiran, iyadoo la tixgelinayo guusha ay gaartay Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay martigelin doontaa inta u dhexeysa 29-30 April ee sanadkan Shir maan-hadal ah oo la xiriira la dagaalanka argagaxisada oo ka dhici doona Muqdisho, oo qaban-qaabadeedu leeyahay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Waxa uu ka codsaday wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka inay taageeraan deyn cafinta Soomaaliya si dhaqsiya loola falgalo sida ay wax u xaliyeen Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika, si degdeg loogu dhiso Soomaaliya, lana dhammeeyo jiritaanka argagaxisada iyo shaqa la’aanta dhalinyarada, waxa uu ugu baaqay in si deeqsinimo ah uga qeybqaataan Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...