Wasiirka Sabriye oo ka hadlay muhiimadda Golayaasha degaanka ee Dalka

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in dhismaha Golayaasha degaanka ee Degmooyinka Dalka ay muhiim u yihiin Dowladnimada ayna ka wada shaqeynayaan hey’adda ay quseyso.

Mudane; Sabriye, oo soo xirayay shir Saddexdii Cisho ee lasoo dhaafay ugu soconayay Magaaladan Muqdisho wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo dib u heshisiinta Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo daneeyayaasha dhismaha Golayaasha degaannka ayaa lagu Lafa guray sidii howlahaasi loo dar-dar gelin lahaa, iyadoo la marayo heerarkooda kala duwan.

Shirkan oo ah kii 12aad ee noociisa ah ee ay qabato madasha Wadajir, ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka socay hey’adda Qaxootiga  iyo barakacayaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed iyo hey’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Caalamka ee IOM.

Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug, Maxamuud Maxamed Samatar (Durraan), Wasiirka dib u heshiisiinta Hirshabeele, Cabdikariim Cali  Nuur iyo Agaasimaha guud ee amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo ku hadlay Afka ka qeyb galayaasha shirka ayaa tilmaamay inay dhaqan galinayaan qorshaha lagu dajiyay iyo qodobada la isku raacay ee war murtiyeedkii shirka.

Ugu dambeyn shirka ayaa laga soo saaray Toban qodob oo ay isku raaceen ka qeyb galayaasha, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa dar-dar gelinta dhismaha Golayaasha degaanka, dhaqan gelinta hannaanka dhab u heshiisiinta Qaranka, sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka barakacayaasha iyo xasilinta Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

Waxaa saakay aroortii hore ayaa lagu fuliyay xukun dil...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed...

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...