Wadatashiga Wareega Koowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka 9-aad oo ka furmay Dhuusamareeb

Date:

Dhuusamareeb (SNTV):- Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug uga furmay Wadatashiga wareegga kowaad ee Qorshaha horuamrinta Qaranka Sagaalaad oo ahmiyad ballaaran u leh dalka . waxana daah_furka wadatashiga ka qeyb ahaa Xubna ka kala socda golaha Wasiiradda Galmudug, buslahda rayidka Mamaulka iyo Khubarada Qorshahan shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Bulshada ku nool deegaanada Galmudug ayaa si wanaagsan u soo dhoweeyay qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliyeed, ayna diyaar u yahiin in  baahiyahooda ay ku biiriyaan Qorshaha Harumarinta Qaranka Sagaalaad.

Guddoomiyaha Gobalka Galgaduud Axmed Cali Jimcaale  oo munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay wadatashiga wareegga kowaad ee Qoshaha Horuamrinta Qaranka Sagaalaad, waxuuna bogaadiyay dadaaalada ay wado Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Wasiirka Qorsheynta Dowladd Gobaleedka Galmudug Cabdikaafi Qaaf ayaa sheegay in farxad wayn u tahay maamulka Galmudug,in ay qeyb muhiim ah  ku yeeshan wadatahsiga Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad, isla amrkaana ay diyaar u yahiin in baahiyaha u baahan  wax ka qabashada  ka Galmudug ahaan in ay Khubarada la wadaagaan si uu qeyb ugu noqdo Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad.

Dr. Maxamed Xuseen oo ah Khubarada Qorshaha Horumairnta Qaranka Sagaalaad ahna mas’uulka hogaaminayo Qorshaha 9-aad ayaa ka warbixiyay muhiimadaha horu _tabinta u leh Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad si wax looga qabto yareynta Saboolnimada iyo Geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

Ku simaha Madaxa Xukuumadda Mamaulka Galmudug  oo daahfuray wadatashiga ayaa sheegay  in ka maamul ahaan ay raali ka yahiin qorshaha Soomaaliyeed oo dalka dhan ahmiyad u leh in ka Galmudug ahaana ay qeyb ka yahiin ayna diyaar u yahiin in ay la shaqeyn doonan Wasaaradda Qorsheynta howsha baaxada leh ay wado ee ku saabsan Qorshaha horurmarinta Qaranka Sagaalaad  oo ahmiyad wayn leh dalkeena.

Khubarada ka socda Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa ku sugnaan doona mudo afar maalmood ah Magaalada Dhuusamareeb,waxaana wadatashi la yeelan doonan Buslada rayidka, Ganacsatada, laanta Sharci dejinta iyo Fulinta Galmudug oo la dhageystan doono aragtidooda ku aadan Qorshaha Horumarinta Sagaalaad oo ka kooban ilaa iyo shan tiir oo kala ah,Tubta Amniga, Tubta Siyaasada loo dhan yahay,Tubta Arrimaha Buslahda, Tubta Dhaqaalaha iyo Tunta Deeganka iyo Kheyraadka dabiiciga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...