Shirweynaha Qaran ee Soo-bandhigidda iyo Xaqiijinta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo maalintii labaad galay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Waxaa maalintii labaad galay Shirweynaha Qaran ee Soo-bandhigidda iyo Xaqiijinta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Qaranka, waxaana kasoo qeyb galay wakiilo ka kala socdo Maamul goboleed-yada, Gobalka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka oo shalay furmay ayaa maanta looga dooday natiijooyinka kasoo baxay wadatashiyo hore loogu qabtay dhamaan dowlad goboleedyada dalka iyo Gobalka Banaadir, waxaana kamid ahaa 14-Wadatashi oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ku qabatay Magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhuuso-mareeb, Jowhar iyo Baydhabo, kuwaasi oo ay ka qeyb galeen in ka badan 700-qof, iyadoona Talooyinkooda la qoray dad kor u dhaafaya 250-qof, oo qaarkood soo jeediyay Siyaasad cad oo lagu wajihi karo Dhab-u-heshiin Bulsho, oo u gogol xaareysa in dadka wax kala tabanaya ay iscafiyaan.

Maalinta Birito ayaa lagu wadaa in shirka la soo xiro, islamarkaana lagu soo bandhigo natiijada aragtiyada wax dhisaya ee ay isdhaafsadeen ka soo qeyb galayaasha oo matalaya dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo dhaweeyay ansixinta hindise-sharciyeedka Dambiyada Saybarka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadam Macallim...

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta,...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si...